|
Jowhar,(insidesomalia.org)-Hey'adda Qaramada Midoobey ayaa bilowday in diyaaradaheeda ka soo dagaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar, kadib markii ay xayirtay in diyaaradaheeda ka soo dagaan Garoonka Diyaaradaha Jowhar.
Maalinimadii shalay waxaa Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa soo caga dhigatay Diyaarado u kireysnaa Qaramada Midoobey iyo kuwo ay laheyd, waxaana ay keeneen shaqaalo sama fal ah oo ka tirsan Laanteeda u qaabilsan Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF.
Tallaabadan waxay ka dambeysay kadib markii uu heshiis dhex maray Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobey iyo Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haaya Magaalada Jowhar, waxaana tani keentay in howlihii Sama Fal ee Qaramada Midoobey ka waday Gobolka Shabellaha Dhexe uu dib u bilowday, kadib markii muddo afar bilood ay hakad galeen.
Inta badan Laamihii Hey'adda Qaramada Midoobey Xafiiskooda Magaalada Jowhar ayaa howl bilaabay, waxaana si toos ah uga howl galaya Shaqaalaha Soomaalida oo kal hore Magaalada isaga baxay.
Xafiiskii Hey'adda UNOPS ayaa shalay dib loo furay, ka gadaal markii muddo labo bilood uu xirnaa, waxaana ay ka dambeysay markii wada hadal dhinaca amaanka uu dhex maray Saraakiil dhinaca Ammaanka ka socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka.
Midowga Maxkamadaha ayaa sheegay in ay amaankooda sugayaan shaqaalaha Qaramada Midoobey, waxayna haatan la wareegeen amaanka Garoonka Diyaaradaha iyo xarumaha ay ka howl galaan Hey'adahaas.
Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa aad usoo dhoweeyay tallaabadan ay dib ugu howl galayaan Hey'adaha Sama falka ee Laamaha Qaramada Midoobey, oo muddo afar bilood aan wax howl ah ka qaban Magaalada sababo dhinaca amaanka iyo qul qulatooyinka siyaasada Gobolka.
|